Wasiir Xoosh oo Weerarkii Ugu Xooganaa ku qaaday Cumar C/Rashiid

 

Wasiirka dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil ayaa weerar ku qaaday ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo hadda ah xubin ka tirsan Aqalka Sare.

Qoraal kooban oo uu soo dhigay Facebook, ayuu Xoosh Jabriil su’aal ka keenay haddii Cumar Cabdirashiid uu sii ahaan karo xubin ka tirsan Aqalka Sare, maadaama uu caddeystay inuu u shaqeeyo dal kale oo ah Imaaraadka Carabta, inkasta oo uusan magacaabin.

Caasimada Online ayaa dhowr bilood ka hor shaacisay in Cumar uu yahay wakiilka Imaaraadka ee Soomaaliya, una qaabilsan kala gaynta dowladda, shacabka iyo maamul goboleedyada.

Qoraalka uu Xoosh Jabriil, soo dhigay Facebook ayaa u qornaa sidan:-

 

Waa markii ugu horrey ee xubin ka tirsan dowladda uu si shaacsan ama dadban u sheego in Cumar Cabdirashiid yahay caade qaate iibsanaya dalkiisa, una shaqeeya dal kale oo caddeystay inuu yahay cadowga koowaad ee Soomaaliya ay maanta leedahay.

Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa inay si rasmi ah baaritaan ugu billaabaan Cumar Cabdirashiid, xilkana ka xayuubiyaan.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

One thought on “Wasiir Xoosh oo Weerarkii Ugu Xooganaa ku qaaday Cumar C/Rashiid”

  1. Mohamed Abdi says:

    Waxaan ka xumahay inaad dhamaantiin dadkiina sheeganaya Dawlad Soomaaliyeed inaad camill u tihiin quwada shisheeye adiguna ninkaaga wasiirka sheeganay intaadan ka hadlin Cumar adigu waxaad iswaydiisaa yaad u shaqaysaa? Baarlamanke Soomaaliyeed sadax meelood markii loo qaybsho hal meel waxay u shaqeeyaan Itoobiyaa taasna waa mid lawada ogyahay tusaale waxa kaaga filan dhiibitaankii Qalbi dhgax intaa waxa dheer dawlada Soomaaliyeed waa kilikii lixaad ee Itoobiya katirsanaa.Waxaan rabaa inaan intaa raacsho inaan aniga iyo Cumar aanan isku hayb ahayn waxna aanan isku ahayn laakinn waxaan ka xumahayy adiga oo qaraarada u xaaqa qaawanaw xabash inaad u badheedho sida xun ee aan arko.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook