Xiddigii Soomaaliyeed ee kooxda Chelsea oo lagu daray xulka qaranka Sacuudiga +SAWIRRO

Mukhtar Ali oo ah 20 jir ayaa looga yeeray xulka qaranka Sucuudiga kadib markii la siiyay Basaboorka dalkaas.

 

Laacib kaan ayaa asal ahaan ka soo jeeda dalka Soomaaliya balse wuxuu ku dhashay dalka Sucuudiga.

Mukhtar Ali ayaa ku soo biiray akadeemiyada kooxda Chelsea 2013, wuxuuna heshiis rasmi ah u saxiixay Blues sanadkii hore ka hor inta suuqii dhawaan xirmay uusan amaah ugu biirin kooxda Vitesse ee dalka Holland.

Wuxuu horay ugu soo ciyaaray xulka qaranka ingiriiska ee da’doodu ka hoosayso 17 jirada, laakiin wuxuu haatan doortay u ciyaarida xulka Sucuudi Carabiya.

Xiddigaan reer Soomaaliyeed ayaa ka ciyaara booska kubadd burburiyaha, wuxuuna ku guulaystay in lagu soo daro xulka qaranka sucuudiga.

Mukhtar ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay inuu ciyaaraha u matalo xulka dalkii uu ku dhashay isla markaana uu ku soo barbaaray.

Laacib kaan ayaa la filayaa inuu xulka sucuudiga u matalo koobka adduunka ee 2018 lagu qaban doono Ruushka oo dalkiisu uu xili hore u soo baxay.

“Waan ku faraxsanahay inaan dib ugu soo laabto dalkeygii aan ku dhashay oo aan ku soo barbaaray bilowgaygii, waxaa sharaf ii ah inaan u shaqeeyo boqortooyada aniga oo u ciyaaraya xulka qaranka” ayuu Twitter-ka ku soo qoray Mukhtar Ali.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook