Xiliga ay Dhaceyso Doorashada Madaxweynaha Galmudug oo la shaaciyay

Xildhibaanadii dhawaan sheegay in ay xilka ka qaadeen Madaxweyne Xaaf ayaa Guddi Qaban qaabo ay usaareen Doorashada Madaxweynaha Maamulka Galmudug maanta ku shaaciyay xiliga ay dhaceyso Dooarshada Madaxweynaha.

Qoraalka kasoo baxay Xubnahan sheegay in ay qaban qaabinayaan doorashada Madaxweynaha Galmudug ayaa sheega in dsoorashada Madaxwenaha ay dhaceyso 25-ka bishan October, waxa ay sidoo kale guddiga shaaciyeen Shurudaha laga rabo musharaxiinta.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ayaa wali diidan in Xildhibanao katirsan mamaulkiisa ay xilka ka qaadeen, waxa uuna Xaaf kamid yahay Madaxda maamul goboleedyada ee ka qeyb galay shirka Kismayao kusoo idlaaday.

Xildhibaanadan sheegay in ay xilka ka qaadeen Madaxweyne Xaaf ayaan la ogeyn halka ay ku qaban doonaan doorashada ay shaaciyeen in ay qabanayaan, waxaana Madaxtooyada degan Madaxweyne Xaaf.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

One thought on “Xiliga ay Dhaceyso Doorashada Madaxweynaha Galmudug oo la shaaciyay”

  1. Magaalda Muqdisho waxa ku yaali bari hore hosbitaal looyaqaanay Nasreeti hosbitaalkaasa waxa lagu dabiibi jiray dadka maskaxda looga jiro marka dadka la dabiibayo markahore inta foosta dabda kadaloosha loodhiibo waxa lagu dhihijiray buuxsha biyo foostada marka muda badan foostada maalinkasta inay buuxshaan ayay ku hawlanaan jireen ileen waa foosta dalooshe maysan u buuxsami jirin kadib markii dhaxaa ayku dalaan ayaa garaadkoodu siin jiray kadib in foostadu daloosho marka nimanka ku hawlan inay doorasho qabanqaabinayaan waxay la mid yihiin ninmankii Naasreeti lagu haynjiray. Ugu dambay waxaan idiin sheegayaa reer Naasreeti lacagta xamar intay idinku socoto hawaawiga waalida iskaga jira.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook