Banaanbax looga soo horjeedo Dawlada oo Ka Socda Qeybo Ka Mid Ah Muqdisho

Banaanbax looga soo horjeedo Dawlada Soomaaliya ayaa waxa uu ka socdaa qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho Ee Caasimada Soomaaliya.

Dibad bax ayaa waxa uu ka socdaa Degmada Kaaraan iyadoo Dadweyne ka Carooday Dil Saaka Aroortii Ciidanka Dawlada ka geysteen Degmadaasi.

Oday lagu dilay Muqdisho gaar ahaan Degmada Kaaraan ayaa waxa dilkiisa ka careysiisay dadka deegaanka oo dibad bax ka dhigay maanta Degmadaasi.

Maamulka Degmada Kaaraan weli kama Hadlin dilkii Saaka ka dhacay Degmadaasi iyo Banaanbixii kadib ka dhacay Ee Maamulkada Degmadaasi looga soo horjeeday.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook