Buffon Oo Xalay Ku Dhardhigtay Garoonka + VIDEO

Goolhaye Gianluigi Buffon ayaa gacmo gashigiisa iyo sarwaalkii uu ku ciyaaray (Buumadiisa) wuxuu u tuuray taageerayaasha Juventus ee kusugna tarabuunka garoonka.

Arintaan ayuu goolhaye Buffon ku sameeyay garoonka dhexdiisa isagoo weliba qoslaya oo dhiiro gelin ka helayay taageerayaasha Juventus oo u sacba garaacayay.

Buffon ayaa toddobaad ka hor xulkiisa Italy laga soo reebay koobka adduunka, waxaana uu xalay markale ku fashilmay inuu Juventus usoo saaro wareega 16ka Champions League.

Juventus ayaa barbaro goolal’aan ah la gashay kooxda La Liga ka dhisan ee Barcelona kulan katirsanaa Wareega Group-ka Champions League.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook