Jose Mourinho oo laga Codsaday Inuu Kursiga Keydka Galiyo Romelu Lukaku

Jamaahiirta Man United ayaa durba dood ka keenay inuu safka hore mar walba ahaado saxiixa ugu qaalisan kooxda xagaagii lasoo dhaafay ee kooxda Romelu Lukaku kaas oo aan ku jirin qaab fiican sidoo kalana kaliya 1-gool dhaliyay 10-kii kulan ee ugu dambeeyay.

Wiilasha Jose Mourinho ayaa gaaray guul 4-2 ah kulankii ay martida u noqdeen Watford, balse waxey aheyd habeen ay halis u galeen in goolka barbardhaca laga dhaliyo madama wiilasha Marco Silva ay gadaal kasoo rogaal celiyeen ka hor inta uusan qusin Jesse Lingard.

24-jirka reer Belgium ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed kale oo xun isagoo qasaariyay mid ka mid ah fursado ay ka shaleysay kooxdiisa.

 

Si kastaba jamaahiirta Red Devils ee isticmaala barta bulshada Twitter-ka ayaa durba ka dalbaday macalin Jose Mourinho inuu kursiga keydka dhigo xidigaan kulanka ay la ciyaari doonaan Arsenal ee ka dhici doona garoonka Emirates Stadium.

Sabtida soo aadan ayey Red Devils wajahi doonaan mid ka mid ah tijaabooyinka ugu adag ee ay mari doonaan bisha December madama uu kulanka Manchester Derby u xigo, balse wali laguma qanacsana qaab ciyaareedka Romelu Lukaku.

“Lukaku wuxuu u baahan yahay in isbuuc kursiga la galiyo” ayuu soo qoray Manu

“Lukaku wuxuu u baahan yahay kursiga keydka kulanka Arsenal, wuxuu ahaa mid xun maanta” waxaa sidaas soo qoray Linus

“Lukaku, waan ka quustay, waa iney inyar keydka dhigaan” ayuu sidoo kale yiri qof kusoo gala magaca You

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook