Kheyre,Michael Keating iyo Shariif Xasan oo gaaray Magaalada Baraawe+SAWIRRO

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Masuuliyiin kale sida uu xaqiijiyay Masuul ka tirsan Xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Sida ay wararku sheegayaan Ra’iisul Wasaare Kheyre oo uu wehliyo Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa ku tagay Baraawe diyaarad Helicopter ah, waxaana si aad ah loo adkeeyay ammaanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la kulmi doona Saraakiisha ciidamada, maamulka deegaanka iyo qeybaha kala duwna ee bulshada.

Ka hor inta aanu Ra’iisul Wasaaraha gaarin Baraawe Al-Shabaab ayaa la sheegay in dhowr madaafiic ay ku garaaceen Garoonka diyaaradaha, inkastoo madaafiicda qaar la sheegay inay nawaaxiga garoonka ku dhaceen.

 

Ujeedada socdaalka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu ku tagay magalaada Baraawe ee xarunta Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa la xiriirta u kuurgalka xaaladaha ciidamada iyo dagaalka la filayo in dhawaan ay ku dhaqaaqaan ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Ammaanka magaalada Baraawe ayaa siweyn loo adkeeyey, waxaana ku sugan magaaladaasi Danjirayaasha QM iyo Midowga Africa ee Soomaaliya Micheal Keating iyo Fransisco Madera.

 

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook