Ma ogtahay in qandaraaska cusub ee Lionel Messi lagu daray qodob siinaya awood ka sarreysa midda ciyaaryahanimo?

Xiddiga Barcelona Lionel Messi ayaa wuxuu dhowaan qandaraas cusub u saxiixay kooxdiisa, wuxuuna haatan afarta sanno ee soo aadan sii joogi doonaa Nou Camp Stadium.

Si kastaba ha ahaatee, qandaraas cusub ee Leo Messi waxaa lagu daray qodob qarsooni ah, kaasoo uu sababteeda leeyahay Luis Suarez.

Dabcan kooxaha tujaarka ah Manchester City iyo PSG ayaa indhaha ku hayey saxiixa Messi, balse wuxuu go’aansaday inuu sii joogo Barcelona, iyadoo laga dhigay xiddiga ugu mushaarka badan kubadda cagta, Isbuucii wuxuu qaadan doonaa 500 kun oo ginni, halka 626 milyan oo ginni lagu burburin karo qandaraaskiisa.

Shabakadda Diario Gol ee dalka Spain ayaase sheegeysa in Messi uu saxiixay qandaraaskaan ka dib markii ay maamulka Barcelona ka aqbaleen shuruudo badan oo uu miiska soo saaray.

Waxaana ka mid ah shuruud dhigeysa in 30 sanno jirkaani uu qeyb ku yeelan doono go’aan walba oo ciyaartooy cusub kooxda lagu keenayo. Waana arrin uu ku wanaagsan yahay Messi.

Maxaa yeelay kabtanka xulka Argentina ayey maamulka kooxda Barcelona ay kala tashadeen qorshihii ay kula soo saxiixdeen Luis Suarez iyo Paulinho. Labadaas jeerna Messi wuxuu ku baaqay in xiddigahaan kooxda la keeno maadaama ay guulo gaarsiin karaan.

Wixii intaas ka dambeeyey Luis Suarez iyo Paulinho ayaa guulo la gaaray Barcelona – inkastoo markii hore uu adduunku shaki geliyey tayadooda.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook