Sidee ayay u Codeeyeen Madaxweynaha Somaliland, Murshaxiinta Iyo Dadweynaha?+SAWIRRO

Madaxda Maamulka Soomaaliland ayaa badankood maanta waxay codkooda ka dhiibteen Xarunta Shaqaalaha Soomaaliland Ee Magaalada Hargeysa.

Shacab Fara badan ayaa waxa lagu arkay Magaalada Hargeysay oo qaarkood ay Odayaal iyo Hooyooyin Da’ ah oo garbaha looga jiro ay codkoodii dhiibtay.

Axmed Siilaanyo iyo Xaaskiisa ayaa ka codeeyey Xarunta Hoolka Shaqaalaha Somaliland,iyadoo sidaas si la mid ah Murashaxiinta Seddexda ah ayaa ka qeyb qaatay codeynta oo ay isla hoolkaasi ku sameeyeen.

Muuse Biixi,C.raxmaan Cirro iyo Feysal Cali Waraabe mid walbo oo saxaafada la hadlay waxa uu muujiyey inay isaga dadka codkooda ku taageeraan.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook