Xildhibaanada Aqalka Sare oo Su’aalo weydiiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda +VIDEO

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa ugu horreyn mudaneyaasha Aqalka sare warbixin guud ka siiyey howl-qabadka wasaaradda ee dhinacyaa horumarka iyo dedaallada ay hadda ku howlan tahay oo uu si dheelitiran u uga warbixiyey, iyadoo kaddib mudaneyaasha golaha Aqalka sare ay u gudbeen su’aallo weydiin toos aheyd oo ku socotay wasiirka Arrimaha Dibedda, waxaana kulanka guddoominayey guddoomiye ku xigeenka Koowaad Abshir Bukhaari.

Mudaneyaasha Aqalka sare ayaa su”aalo ay weydiiyeen wasiirka Arrimaha DIbedda xoogga ku saaray arrimaha Maxabiista weli dalka dibeddiisa ku xiran, Safaaradaha dalalka Caalamka noogu yaalla iyo sida ay u shaqeeyaa, xiriirka Caalamiga ah, Baasaboorka Diblomaasiga iyo Arrimo kale.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Yuusuf Garaad ayaa uga mahadceliyey mudaneyaasha Aqalka sare Su’aallaha ay weydiiyeen, waxa uu tilmaamooyin ka bixiyey dhammaan su’aalihi la weydiiyey.

Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha aqalka sare ahna ku simaha guddoomiyaha Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) in kulan kale la isugi imaan doono si loo dhammeystiro su’aallo weydiinta wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook