Antonio Conte oo laganaaxay +SAWIRRO

Macalinka kooxda kubada Cagta Chelsea Antonio Conte oo Calaamada Casaanka ah qaatay kulankii kooxdiisu 1-0 dirqi ah kaga badisay Swansea City ayaa lasheegayaa in Ganaax lasaaray kadib markii aqlaaq daro lagu eedeeyey.

Antonio Conte ayaa lagu Ganaaxay in uusan hal kulan soo istaagin halka ay istaagaan Macalimiinta iyo in uu bixiyo aduun lacageed gaaraya £8,000 Waxaana lagu eedeeyey in uu carqaladeeyey shaqada Garsoorihii kulankii Chelsea iyo Swansea City.

Ninkaan u dhashay dalka Talyaaniga ayaa aqbalay Ganaaxa lasaaray waxaana Cayaarta laga cayriyey daqiiqadii 43 aad ee qaybta hore kadib markii uu buuqiisa u adkeysan kana soo horjeestey Go aamadiisa Garsoorihii Cayaarta Neil Swarbrick.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook