Atletico Madrid oo Champion-ka isaga hartay +SAWIRRO

Kooxda Atletico Madrid ayaa gabi ahaanba koobka horyaalada Yurub heerkiisa Guruubyada isaga hartay ayadoo xili cayaareedkii hore Semi Final soo gaartay.

Chelsea ayaa 1-1 ku celisay kooxda Atletico kulan qaybtii labaad goolasha la iska dhaliyay cayaar Stamford Bridge lagu dagaalamay.

Saul Niguez ayaa Atletico u dhiibay daqiiqadii 56-aad waxayna Atletico ku dadaaleen inay goolkoda ilaashtaan.

Stefan Savic ayaa nasiib daro gool iska dhaliyay daqiiqadii 75-aad taasi oo sababtay in Chelsea cayaarta kusoo laabato.

Kulankaan ayaa 1-1 kusoo idlaaday waxayna natiijadan sababtay inay Atletico Champion-ka si la yaab leh isaga harto.

Kooxda AS Roma ayaa 1-0 guusha kaga qaadatay naadiga Qarabag FK waxaana goolka u dhaliyay qaybta labaad cayaarta Diego Perotti daqiiqadii 53-aad.

Roma guusha ay gaartay ayaa ka dhigtay inay kaalinta 1-aad kaga soo baxday Guruub C waxayna min 11-dhibcood leeyihiin Chelsea balse Blues waxay kaalinta labaad ku gashay in labada kulan ay Roma la cayaartay 4-dhibcood laga qaatay.

Atletico Madrid 7-dhibcood ay la imaadeen kuma filnaan waxayna Gurub C ka galeen kaalinta 3-aad ayagoo Europa League aadi doonaan.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook