Barcelona oo bareejo lagu celiyey iyada oo joogta Garoonkeeda +SAWIRRO

Kooxda kubada Cagta Barcelona oo ah Hogaanka Horyaalka La Liga ayaa taako loo dhigay kadib markii ay Garoonkeeda kula dheeshey Naadiga Celta Vigo waxaana Cayaartii dhex martay ku dhamaatay bareejo 2-2 ah.

Barcelona ayaa ayaa lagala hor maray Gool kadib markii uu shabqeeda taabsiiyey Kubad Xiddigii hore ee kooxda Liverpool Iago Aspas balse Barcelona waxay kaga jawaabeen 2 Gool oo ay kala dhaliyeen Xiddigaha kala ah Lionel Messi iyo Luis Suarez balse Goor danbe ayaa laga bareejeeyey.

Bareejada Barcelona waxaa ka faa iideysan karta Valencia oo ay hada kasarayso 5 dhibcood halka Real Madrid soo dhaweysey bareejada lagu celiyey Hogaamiye yaasha Barcelona.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook