Cabdi qani Saciid Carab oo 4 Sano oo Cusub loo doortay Gudoomiye ku xigeenka CECAFA

Waxaa hada magaalada Nairobi kusoo gabagaboobay shir weynaha doorashada xiriirka kubada Cagta bariga iyo bartamaha Afrika ee CECAFA, Guddoomiye Xiriirka kubada Cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carab markii lixaad oo xiriir ah loo doortay guddiga fulinta CECAFA, isagoo sidoo kalana ah Guddoomiye ku xigeenka CECAFA iyo guddoomiyaha guddiga tarmada CECAF.

Cabdi qani saciid Carab oo ah Gudoomiyaha Xiriirka kubada cagta Soomaaliya ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay xilka markale loo doortay isaga oo Guushiisa u hibeeyey umada Soomaaliyeed oo dhan.

Waxaa kaloo dhawaan lasamayn doonaa Gudi Hoosaadyo uu yeelan doono Xiriirka kubada Cagta Bariga iyo bartamaha Africa waxaana lafilayaa in Rag kale oo Soomaali ah ku soo bixi doonaan Gudiyadaas lasamayn doono.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook