Dad Shacab ah oo lagu Rasaaseeyay Duleedka Muqdisho

Askari ka tirsan ciidamada ku sugan Isgoyska Ex-Control Afgooye ayaa ayaa rasaaseeyay dad shacab ah oo maraayay meel aanan ka fogeyn Isgoyskaasi.

Rasaasta uu furay askarigaasi ayaa waxaa ku dhaawacmay saddex ruux oo haween ah oo mid ka mid ah la sheegay in xaaladeeda ay liidato.

Lama oga sababta askarigaan uu u rasaaseeyay dadka shacabka ah ee maraayay Isgoyska Ex-Control Afgooye, iyadoo maanta wadooyinka Magaalada Muqdisho ay yihiin kuwa xiran oo dadkana ay lugeynayaan.

Ciidamada kale ee ku sugan Isgoyska Ex-Control ayaa xiray askariga dadka shacabka ah rasaaseeyay, waxaana laga qaaday qorigii uu falka ku gaystay.

Saddexda haweenka ah ee la dhaawacay ayaa la geeyay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo lagu daaweynayo.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook