Gattuso “Middi in la iigu mudo ayaa ka xanuun yar xiliga dhimashada goolkii nagala dhaliyay!”+SAWIRRO

Tababare Gennaro Gattuso aad ayuu u careesan yahay madaama kooxdiisa AC Milan guushii la wada siiyay ay ka heli waayeen naadiga Benevento.

Goolhaye Alberto Brignoli ayaa daqiiqadii 95-aad kooxda Benevento u dhaliyay goolkii ay dhibicda kaga xoogeen naadiga Milan waxayna u ahayd kooxdan dhibcdii ugu horeesay oo ay xili cayaareedkan Serie A-da ka helaan.

Macalin Gattuso oo aad u careesan wuxuu yiri “Aadbay ii dhaawacday in daqiiqadii 95-aad gool nagala dhaliyay waxaa iiga xanuun yareed in middi la iigu mudo halkii xiligaas gool nagala dhalin lahaa”

“Dhib weyn ayaan la kulanay 15-daqiiqo ee ugu dambeesay sidoo kalena gool aad u qaab daran ayaa nagala dhaliyay dhamaadkii cayaarta waana ka xumaaday wixii nagu dhacay”

“Waxaa nahay Milan waana inaan si adag u shaqeyno sidoo kalena aan soo celino awooda kooxda si xili cayaareedkan aan u gaarno hadafyadeena kala duwan”.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook