Goormee lasoo bilaabay abaal marinta Ballon d’Or?

Taalada caanka ah ee Paris Eiffel Tower ayaa caawa marti galin doonta abaal marinta laacibka ugu fiican kubbada cagta adduunka ee Ballon d’Or.

Haddaba waxaan halkan kugu heynaa macluumaad kasta oo aad uga baahan tahay abaal marintan:

Waa maxay Ballon d’Or?

Waa abaal marin sanadle ah oo ay bixiso jariiradda France Football oo ay u gacan galiso laacibka ugu fiican kubbada cagta adduunka waxaana codeeya saxafiyiin ka kala socota daafaha caalamka oo Cod taageere waxba maka tari doono.

Ha isku qaldin Ballon d’Or iyo ‘The Best’:

Image result for ballon d'or vs the best

Ballon d’Or iyo The Best oo ay bixiso FIFA ayaa mideysnaa oo awood badnaa sanadihii u dhaxeeyay 2010 ilaa 2015. Balse kala goostay 2016-kii.

FIFA ayaa gooni isku taagtay oo si gaar ah u bixisa laacibka sanadka oo ay u baxsatay ‘The Best’ waxaana ku guuleystay sanadan Ronaldo.

France Football ayaa iyana sii wadan doonta howsheeda oo bixin doonta Ballon d’Or oo ay teedii ugu horreysay bixisay sanadkii 1956.

Markii hore abaal marinta Ballon d’Or waxaa la guddoonsiin jiray uun ciyaartoyda Yurub oo kuwaan u dhalan shaqo kuma lahayn  1995 balse mid caalami ah ayaa laga dhigay 2007.

Sidee loo go’aansanayaa cidda la siinayo Ballon d’Or?

Waxaa la  tiran doonaa codadka ay dhiibtaan 173 saxafiyiin oo ka kala socda daafaha caalamka, laacibka codadka ugu badan ka hela ayaana la guddoon siin doonaa abaal marinta.

Codka Taageerayaasha halkan kama shaqeyn doono.

Yaa Ugu cad cad inuu ku guuleysto Ballon d’Or?

Cristiano Ronaldo Ballon d'Or

Ronaldo ayaa la saadaalinayaa in markii labaad oo xiriir ah ku guuleysto iyo markiisii 5-aad si uu isaga bar bareeyo Lionel Messi.

Labada xiddig ayaa abaal marintan xoog ku heystay tan iyo 2008, sida caadiga ahna waxa la wada filayaa in Neymar uu saddexaad malxiis ku ahaan doono.

Waa kuwee xiddigaha kale oo la soo xulay?

N’Golo Kante – Chelsea

Luka Modric – Real Madrid

Paulo Dybala – Juventus

Marcelo – Real Madrid

Edin Dzeko – Roma

Harry Kane – Tottenham

David De Gea – Manchester United

Robert Lewandowski – Bayern Munich

Kevin De Bruyne – Manchester City

Karim Benzema – Real Madrid

Pierre-Emerick Aubemyang – Borussia Dortmund

Edinson Cavani – Paris Saint-Germain

Philippe Coutinho – Liverpool

Luis Suarez – Barcelona

Jan Oblak – Atletico Madrid

Sergio Ramos – Real Madrid

Dries Mertens – Napoli

Radamel Falcao – Monaco

Sadio Mane – Liverpool

Gianluigi Buffon – Juventus

Antoine Griezmann – Atletico Madrid

Toni Kroos – Real Madrid

Cristiano Ronaldo – Real Madrid

Eden Hazard – Chelsea

Leonardo Bonucci – AC Milan

Isco – Real Madrid

Lionel Messi – Barcelona

Mats Hummels – Bayern Munich

Kylian Mbappe – Paris Saint-Germain

Goorma ayaa caawa la bixinayaa Ballon d’Or?

Waxaa la bixin doonaa marka ay saacada dhankeena tilmaameyso 9:45 daqiiqo waxaana marti galin doonta Paris taalada caanka ah horteeda.

Yaa xaflada Ballon d’Or marti galinaya sanadkan?

Sida caadiga ah waxaa xaflada lagu sharfaa shaqsi caan ah, waxaana sanadkan daadihinaya laacibkii hore ee xulka France iyo kooxaha Tottenham iyo Newcastle United ee David Ginola.

W/D: Abdisamed Mohamed Hassan (Black Yare)

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook