Gudoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ” Wadashaqayn toos ah nama dhex mari karto inaga iyo Wasiirada Cayaaraha Maamul Goboleedyada dalka,,

Gudoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada cagta Cabdi qani Saciid Carab ayaa shaaca ka qaaday in Xiriirkiisa iyo Wasiirada Cayaaraha Maamul Goboleedyada dalka Soomaaliya aysan dhex mari karayn haba yaraatee Wax wada shaqayn toos ah.

Gudoomiye Cabdi qani Saciid oo Shir Jaraa id qabtay Markii uu soo dhamaaday Shirweynihii Sanadlaha ahaa ee Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Cagta ayaa sheegay in Wasiirada Cayaaraha Maamul Goboleedayada dalka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo hoos taga Wasiirka Sportiga dowlada faderaalka ah ee Soomaaliya aysan wax shaqo ah ku lahayn hab maamulka Xiriirka Kubada cagta dalka.

Mudane Cabdi qani oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in ay iyagu la shaqeeyaan Xiriirada Kubada cagta Maamul Goboleedyada oo ah sida uu Cadeeyey kuwa ay sida sharciga ah ula shaqeeyaan mana ahan ayuu yiri in Wasiiradu ku mashquulaan shaqdeena.

Hadalkaan ayaa Jawaab waafi ah u ah Warqadii ay dhawaan soo saareen qaar ka mid ah Wasiirada Sportiga Soomaaliya taas oo ay ku sheegeen in ay ku doonayaan xuquuq kaga maqan Gudiga Olombikada Soomaaliya iyo Xiriirka Kubada cagta Soomaaliya oo ay ku tilmaameen in hal beel ah oo degta Muqdisho ay iska haystaan waxana aan laga siin maamul Goboleedyada dalka.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook