Laacibkii musulafay ee Emmanuel Ebou oo caawinaad ka helay kooxihii uu usoo cayaaray

Wararka ka imaanaya gudaha wadanka Turkiga ayaa sheegaya in Kooxda Galatasaray ay siin doonto shaqo daafaceedii hore ee Emmanuel Ebou.

Xiddiga heerka Caalami ee Wadanka Ivory Coast Emmanuel Ebou ayaa musulafay, kaddib markii uu hantidiisa ku saxiixay Xaaskiisa, ka hor inta aysan kala tagin, kaas oo maanta la nool mid ka mid ah saaxiibadiisii hore ee qaranka Maroodiyaasha.

Maxkamad ku taala Magaalada London ayaa ku xakuntay Cayaariyahan Ebou in hantidiisa lagu wareejiyo Xaaskiisa iyo Sedex Caruur oo ay dhashay, kaddib markii ay timid in ay kala tagaan labadooda.

Mid ka mid ah Maamulka Kooxda Gunners ayaa hor dhigi qorshayaal badan si uu u doorta doorka shaqo ee ku haboon, halka Kooxda Galatasaray ay u diyaarinayso in ay u dhiibto Kooxda yar_yarla ee Galatasaray si uu usoo saaro Cayaariyahano da, yar ah, si mustaqbalka ay u anfacaan Kooxda Turkeyga ee Gala.

34-jirka ayaa daaha ka rogay inuu qarka u fuulay inuu shiid dartii isku dilo.

Laacibka reer Ivory Coast ayaa iminka waqtigiisa ku qaata inuu iska qariyo dadka deymaha ku leh, mararka qaar uu jiifto dhulka guriga mid ka mid ah saaxiibadiisa, inuu ku safro basaska caadiga ah iyo xitaa inuu dharkiisa ku dhaqdo labadiisa gacmood maxaa yeelay ma awoodo Mashiinka wax lagu dhaqo.

Yeelkeede, Naadiga Galatasaray uu u soo ciyaaray ayaa ugu dambeyn u soo bandhigtay shaqo ay Shiidka uga saareyso.

Kooxda ka dhisan Turkiga ayaa shaaca ka qaaday inay u gacan galineyso tababaraha Akaadamiyada kooxda.

Tababaraha Galatasaray Fatih Terim oo u waramayay CNN Turk ayaa sheegay inuu daaficii hore ee Gunners u gacan gali doono caawiyaha tababaraha kooxda ay da’doodu ka hooseyso 14-jirada.

“Sheekada Eboue waxaan ku maqalnay qolka dhar badelashada, halkaa ayaa la iigu sheegay, waxaan sameyn doonaa wax kasta oo aan awoodno si aan u caawiyo saaxiibkeey.”.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook