Madaxweyne Farmaajo oo tagay Sharm El Sheikh ee dalka Masar +SAWIRRO

Madaxweynaha JF Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdigiisa ayaa siweyn loogu sooo dhaweeyey garoonka diyaaradaha magaalada Sharma-Alsheekh,waxaana soo dhaweyeey diblomaasiyiinta Safaaradda Soomaaliya ee Masar iyo madax katirsan dowladda dalkasi.

Magaalada Sharm El Sheekh ee Dalka Masar waxaa maanta ka furmaya shir wadatashi ah oo ku aadan arrimaha horumarinta ganacsiaga Qaaradda Africa oo ay martigelinayso dowladda Masar.

Soomaaliya waxaa uga qebgalaya madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan magaaladaasi.

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa waxaa safarkiisa Masar ku wehlinaya Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaa shirka uu socon doonaa muddo 2 maalmood ah, iyaddoo lagu gorfeyn doono horumarka ganacsiga Qaaradda Afrika.

Dhinaca kale Shirkan Masar ka furmaya magaalada Sharm El Sheikh ayaa waxaa ka qeyb gali doona qaar kamid ah Madaxda wadamada Afrika, waxayna Madaxdaasi shirka Gacansiga Africa 2017 Forum ka jeedin doonaan khudbado.

Isku soo wada duuboo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filaya in uu kulamo la yeesho madaxda ka qeybgalaysa shirkaasi qaar kood,kuwaasi oo xiriir uu kala dhexeeyo Soomaaliya.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook