Man City oo guul muhiim ah kagaartay West Ham +SAWIRRO

Kooxda Man City ayaa soo ceshatay 8-dhibcood ay hogaanka Premier League ku heesay kadib markii 2-1 ay guusha kaga qaateen West Ham United.

David Silva ayaa markaan isku badalay bad baadiyaha Man City kadib markii cayaarta 7-daqiiqo ka harsan Man City goolka guusha u dhaliyay.

Kooxda West Ham ayaa qaybtii hore geesinimo dheeraad ah la timid madaama Angelo Obinze Ogbonna daqiiqadii 44-aad City gool kaga naxsaday.

Man City qaybta labaad waxaa u dhaliyay goolki ay u baahnaayeen Nicolas Otamendi daqiiqadii 57-aad waxana kubadaas caawinaad ka geestay Gabriel Jesus.

Man City oo yaaban sidoo kalena difaac loo galay waxaa kooxda Pep Guardiola ka fujiyay ruug cadaa David Silva oo shabaqa kubad ku hubsaday daqiiqadii 83-aad.

Man City haatan waxay leeyihiin 43-dhibcood ayagoo cayaareen 15-kulan waxayna todobaadka dambe Manchester Derby la cayaari doonaan Man United kulan Old Trafford ka dhici doono ayadoo City 8-dhibcood sareeyaan.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook