Man United oo si rasmi ah kaalinta 1-aad uga soo baxday Guruubkeeda A+SAWIRRO

Kooxda Man United ayaa si rasmi ah kaalinta 1-aad uga soo baxday Guruubkeeda A xili naadiga FC Basel kaalinta labaad galeen.

United ayaa si dhib badan 2-1 guusha kaga qaadatay naadiga CSK Moscow kulan ay fursado badan United iska qasaarisay.

Cayaaryahan Alan Dzagoev ayaa Man United qaybtii hore ka naxsaday daqiiqadii 45-aad balse markii la isku soo laabtay ayay United goolkii labo gool ku badashay.

Lukaku aya culeeska iska dajiyay kadib markii u gool u badalay kubad Pogba usoo karoosay daqiiqadii 64-aad,

Sidoo kale Marcus Rashford ayaa cayaarta 2-1 ka dhigay daqiiqadii 66-aad asigoo si qurux badan u dhameestiran kubad uu Juan Mata ka caawiyay.

Dhinaca kale kooxda FC Basel ayadoo safar ah waxay 2-0 guusha kaga qaadatay naadiga Benfica ayadoo wareega 16-aad iska xaadirisay.

Man United waxay la imaadeen 15-dhibcood ayadoo kaalinta kowaad kusoo baxeen halka Basel la imaadeen 12-dhibcood waxayna kusoo baxeen kaalinta labaad halka kooxda CSK Moscow tartanka Europa League aadi doonto.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook