Maydka qof shacab ah oo lagu arkay Suuqa Magaalada Gaalkacyo

Maydka qof shacab ah ayaa lagu arkay Suuqa Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, sida ay ku soo waramayaan dadka ku ganacsada Suuqaasi.

Ninkan maydka ah ayaa lagu arkay halkii dhawaan ay ku dagaalameen maleeshiyaad ka soo kala jeeda Puntland iyo Galmudug oo aheyd bartamaha Suuqa ganacsiga Magaalada Gaalkacyo.

Lama oga rasmi ahaan cida dishay ninkaan oo ka mid ahaa dadka ka xoogsada Suuqa Magaalada Gaalkacyo, balse ganacsatada ayaa sheegay inay arkeen maydka ruuxan oo jirkiisa rasaas ay ka muuqato.

Suxufiyiinta ayaa soo sheegaya dilka ninkaan inay daba socoto dagaalkii Magaalada Gaalkacyo ku dhexmaray maleeshiyaad ka soo kala jeeda Puntland iyo Galmudug, balse si gaar ah looma oga cida dilkaan fulisay.

Wararka ayaa sheegaya in saaka ganacsatada Suuqa maydkaasi ay halkaasi ka qaadeen si loo aaso, maadaama saacado badan uu yaalay maydka.

Gaalkacyo waxaa ka dhaca dilalka qorsheysan oo salka ku haayo aanooyin qabiil iyo kuwa ay gaystaan xubno ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Dhawr mar sidan oo kale ayaa meelo kala duwan oo Magaalada gudaheeda waxaa loogu arkay maydka qof shacab ah oo la dilay.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook