Qarax Gaari oo goor dhow ka dhacay Magaalada Muqdisho

Wararka laga helayo xarunta Villa Baydhabo ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa sheegaya in goor dhaw halkaasi uu ka dhex dhacay qarax.

Qaraxan ayaa la sheegay in lagu soo xiray gaari nuuca Raaxada ah ee uu leeyahay Sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowladda, kaasi oo ku dhex qarxay xarunta Villa Baydhabo ee Magaalada Muqdisho.

Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxaasi, balse waxaa goobta isku geydaamay Ciidamada Dowladda ee daganaa xaruntaasi.

Qaraxan wuxuu ku soo aadayaa, iyadoo maanta Muqdisho ammaankeeda si wayn loo adkeeyay, wadooyinka Magaaladana ciidamo badan la soo dhigay oo intooda badan la xiray.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook