Taliyihii Ciidamada Puntland ee Galkacayo oo qarax lagu dilay

Taliyihi Saldhigga Cusub ee suuqa waqooyiga Gaalkacyo Cali Ibraahim Cali(Cali Ma’gafe) ayaa ku dhintay qarax gaarigiisa loogu xiray,sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Qaraxa ayaa sarkaalka ku qabsaday bartamaha magaalada Gaalkacyo,gaar ahaanna dhabarka dambe ee xarunta madaxtooyada,sida uu Warbaahinta Wardoon.net u sheegay weriye ku sugan magaalada.

Taliyaha oo dhaawac culus ka soo gaaray qaraxaas ayaa durbadiiba geeriyooda,waxaana burburay gaarigii uu saarnaa,inkastoo aan weli la sheegin cid kale oo dhibaato ka soo gaartay qaraxa.

Ma jirto cid sheegatay qaraxa,laakiin sarkaal ka tirsan Booliska ayaa sheegay in ay baaritaan ku hayaan,islamarkaana ay dib ka faahfaahin doonaan xogta rasmiga ah.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook