Xiriirka kubada cagta somaliya oo Magacii kabadalay Horyaalka Soomaaliya

Xiriirka kubada cagta Soomaaliya oo Muqdisho ku yeeshay shirweynihii Sanadla ahaa ayaa shaaciyey in Magacii laga badalay Horyaalada Heerka Koowaad iyo Labaad ee dalkeena Soomaaliya.

Gudoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada cagta Mudane Cabdi qani Saciid Carab ayaa sheegay in Wixii hadda kadanbeeya Horyaalka heerka koowaad ee Soomaaliya loogu yeeri doono Somali Premier League halkii horay loogu yeeri jirey Somali Serie A isaga oo sidoo kale Cadeeyey in dhamaan la joojiyey Ereyadii Talyaaniga ahaa.

Dhanka kale Xiriirka Kubada cagta Soomaaliya ayaa sheegay in Horyaalka Somali Premier League uu sirasmi ah u bilaaban doono marka lagaaro 22 ka bisha Janaayo oo dhawaan bilaaban doonta waxaa kaloo uu cadeeyey in 4 ta Sano ee soo socota uu Maal gelin doono Horyaalka Soomaaliya Primer bank taas oo wax badan ku soo kordhin doona dhaqaalaha kooxaha Soomaaliya.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook