Zidane Oo Shaaciyay Liiska 19ka Xiddig Ee Real Madrid Ee Uu Caawa Kala Hotagayo Athletic Bilbao

Tababare Zinedine Zidane ayaa shaaciyay goordhawyd 19ka ciyaaryahan ee uu ula safrayo caawa garoonka San Mames kulanka La Liga ee ay halkaas kula ciyaarayaan kooxda Athletic Bilbao iyagoo raadinaya inay sii wataan guulahooda si ay u soo yareeyaan farqiga hogaanka looga hayo.

Kabtan Sergio Ramos ayaa ku soo laabtay kooxda ka dib markii uu kulankii Malaga ee isbuucii hore ku seegay jab ka soo gaaray sanka kulankii Madrid Derby, laakiin Ramos ayaa la filayaa inuu caawa ciyaaro isagoo xiran doona maagaro wajiga u ilaalin doonta waxaana uu ka garab ciyaari doonaa Raphael Varane.

Goolhaye Keylor Navas oo kursiga keydka fadhiyay kulankii Malaga ee isbuucii la soo dhaafay ayay macquul tahay inuu caawa ku soo bilowdo, halka Kovacic oo isna si buuxda uga soo kabsaday dhaawacii uu la maqnaa uu u tartamayo inuu boos ka helo khadka dhexe.

Gareth Bale iyo Marco Asensio ayaa weli ka maqan kooxda Real Madrid kuwaasoo weli dhaawacyadii soo gaaray aan si buuxda uga soo kabsanin. Waxaana weerarka la filayaa inay mar kale hogaamiyaan Ronaldo iyo Benzema iyadoo Lucas Vazquez iyo Isco la filayo inay garbaha weerar ka soo caawiyaan si la mid ah kulankii Malaga ee isbuucii la soo dhaafay.
19ka xiddig ee uu tababare Zidan u kaxeysanayo San Mames:

Goolhaye: Keylor Navas, Kiko Casilla, Mohamed Ramos

Daafac: Carvajal, Sergio Ramos. Raphael Varane, Nacho, Marcelo, Theo Hernandez

Khad dhexe: Toni Kroos, Luka Modric, Casemiro, Isco, Kovacic, Ceballos

Weerar: Cristiano Ronaldo, Karim Benzema Lucas Vazquez, Borja Mayoral

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook