Ciidamada Somaliland oo lagu Amray iney Gudaha u galaan Puntland +VIDEO

Kadib degaalkii dhawaan ciidama kala taabacsan Somaliland iyo Puntland u dhawaan ka dhacay degaanka Tukaraq ee Gobalka sool ayaa waxa ka hadlay degaalkasi Xildhibaan Maxamed Dheeg oo ka tirsan mudanayaasha golaha degaanka ee Somaliland.

Xildhibaanka ayaa shegay in Somaliland uu gumestay Ingeriiskii koonfurtana uu gumestay Talyaniga isla markaana loo baahan yahay in labada dhinac ee Somaliland iyo Puntland lagu kala saleyo degaanadii maamulkii gumestaha.

Masuulka ayaa sidoo kale dowlada dhexe ee Soomaaliya ku edeyay iney dooneyso burburinta Somaliland isla markaana ay qeyb ka tahay colaada ka taagan degaano ka tirsan Gobalka Sool oo ay isku hayaan Maamulada Puntland iyo Somaliland.

Dhawaan ayey aheyd markii ciidamada Somaliland ay degaal kula waregen degaanka Tukaraq ee Gobalka Sool waxana jira wali xiisad colaaded oo ka taagan degaano ka tirsan Gobalka oo ay isku hayaan labada dhinac.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook