Dowlada soomaaliya oo cafis u fidisay siyaasiyiinta mucaaradka +VIDEO

Wasaaradda Amniga xukuumadda Soomaaliya ayaa shegtay in weerarrada qaraxyada iyo khaarijinta laga soo abaabulo xaafado ka tirsan caasimadda Muqdisho.

Afhayeenka wasaaradda amniga Soomaaliya C/casiis Cali Ibraahim (C/casiis Xildhibaan) ayaa shir jaraa’id ka sheegay in dhibaatada amni ee ka jirta caasimadda laga abaabulo iska gudaha magaalada, dadkuna ay ka hortegi karaan haddii ay la shaqeeyaan ciidamada amniga.

Dhinaca kale afhayeenak ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay cafis u sameyn doonto Siyaasiin mucaarad ah oo Dowladda ka soo horjeeda, haddii ay ka tanaasulaan falalka qaska iyo xasilooni darrada ah ee ay wadaan.

HOOS KA DAAWO VIDEO

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook