Faysal Cali Waraabe oo markale u hanjabay Puntland iyo Farmaajo+COD

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Somaliland Faysal Cali Waare ayaa ka hadlay dagaal shalay ciidamada maamulada Somaliland iyo Puntland ku dhexmaray degaano ka tirsan gobolka Sool.

Faysal Cali Waare waxaa uu sheegay in ciidamada Somaliland ay qaadeen tilaabo horay loogu baahnaa Maadaama uu sheegay in degaanka laga qabsaday ciidamada Puntland ee Tukaraq ay Somaliland leedahay.

Waxaa uu taageeray dagaalka, islamarkaana uu bogaadiyay Tilaabada ay ku qabsadeen ciidamada Somaliland degaankaasi, isagoona sheegay in Puntland ay dhibaato ku heysay Shacabka Somaliland.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo kan Puntland ayuu sheegay in ay hurinayaan Colaad ka dhacda gobolka Sool.

Ciidamada Somaliland ayaa shalay dagaal kula wareegay degaano ka tirsan gobolka Sool, waxaana Puntland ay ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Somaliland.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook