Jose Mourinho Oo katagaya Kooxda Man Utd

Waxaa jira walaac sii kordhaya oo kasoo baxay gudaha Old Trafford kadib markii la ogaaday in Jose Mourinho uusan noqon doonin tababaraha kooxda Manchester United xilli ciyaareedka soo socda.

Xaqiiqdii, waxaa jira dareen ah in dhamaadka xilli ciyaareedkan uu doonayo inuu is casilo tababare Mourinho oo kujira sannadkiisii labaad ee Old Trafford .

Mid ka mid ah kormeerayaasha kooxda United ayaa ku dhawaaqay Arbacii in ay ka arkeen Jose waxa u muuqda dhaqamo tilmaamaya in uusan sii joogi doonin kooxda xilli ciyaareedka soo aadan.

Shaqaalaha United waxa ay u arkaan inuu yahay tababarahan mid gaabiyay xiriirkii uu la lahaa shaqalaha tababarka kooxda, islamarkaana uusan waqti badan xitaa la qaadan ciyaartooyda.

Maamulka kooxda Manchester United ayaa ka cabsi qaba in tababare Jose Mourinho uusan noqon doonin tababaraha kooxda hogaamin doona xilli ciyaareedka dame.

Special One iyo kooxdiisa Manchester United ayaa 15 dhibcood ka hooseya kooxda hogaanka u heysa horyaalka Premier League ee Manchester City.

Manchester United ayaa haatan tartan ugu jirta sidii ay kaga mid ahaan laheyd afarta kooxood ee ugu sareysa Horyaalka Premier League.

Wargeyska Daily Mail ayaa sheegay in Jose Mourinho laga arkay dhaqamadii uu ka sameeyay kooxihii uu soo maamulay marka uu doonayo inuu ka dhaqaaqo shaqada tababarnimo.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook