Kooxda Liverpool oo Maxkamad la tiigsanaysa Shirkadda Nike

Kooxda kubadda cagta Liverpool ee Waddanka Ingiriiska ayaa lagu soo warramayaa in ay qorsheynayso in ay Maxkamad la tiigsato shirkadda qalabka isboortiga soo saarta ee Nike kaddib markii ay boggooda Internet-ka ku shaaciyeen in xiddiga khadka dhexe ee Liverpool Philippe Coutinho uu ku biirayo Barcelona.

Xayaysiin bogga Nike la soo dhigay ayaa u qornaa: “Coutinho wuxuu diyaar u yahay in uu ifiyo Camp Nou”, iyadoo ballan qaadday funaanadda Philippe Coutinho ee Barcelona oo magiciisu dhabarka dambe kaga qoran yahay.

Sida ay ku warramayso Warsidaha ESPN Brazil, Kooxda Liverpool ayaa aad uga carootay falkan ay sameysay Nike, waxaana ay diyaar u tahay in ay Shirkaddani caanka ah Maxkamad la tiigsato.

Coutinho ayaa la la xiriirinayaa markale inuu ku biiri doono kooxda Barcelona ee Waddanka Spain oo ku fashilmatay 25-sano jirkani in xilli ciyaareedkani ay la soo wareegto.

Xiddigan reer Brazil ayaa qayb ka ahaa safka Jurgen Klopp ee xilli ciyaareedkan, isagoo guulo wax ku ool ah gaarsiiyay kooxda Liverpool.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook