Mushaarka uu Philippe Coutinho ka qaadan doono Barcelona oo la ogaaday

Mushaarka uu Philippe Coutinho ka qaadan doono kooxda Barcelona ayaa la ogaaday iyadoo Sabtidii ay Catalans dhammeystirtay saxiixiisa.

Philippe Coutinho ayaa helay mushaar kordhin heer sarre ah maadaama uu ku biiray Barcelona, wuxuuna ka mid noqon doonaa xiddigaha ugu mushaarka badan adduunka.

Barcelona ayaa xiddigaan kusoo iibsatay adduun lacageed dhan 145 milyan oo ginni.

Geesigii Liverpool ayaana haatan mushaar ahaan Isbuucii u qaadan doona 240 kun oo ginni, waxaana xusid mudan inuu Reds mushaar ahaan uga qaadan jiray 200 kun oo ginni Isbuucii.

Lionel Messi ayaa ah laacibka ugu mushaarka badan Barcelona wuxuuna Isbuucii qaataa 500 kun oo ginni, halka Luis Suarez uu qaato 290 kun oo ginni. Philippe Coutinho ayaana ka sarre maray xiddigo uu ku jiro Ousmane Dembele.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook