Neymar Oo Kabta Madaxa Saartay Si Uu Ugu Damaashaado Gool Uu Ka Dhaliyey Amiens +SAWIRRO

Cayaaryahan Neymar ayaa kabta madaxa saartay, isagoo u dabaal degaya gool uu ka dhaliyey kulankii koobka Horyaalka ee French League Cup ay kaga guuleysteen naadiga Amiens.

Neymar ayaa la soo baxay qaab damaashaad cusub ah kadib markii uu shabaqa ku hubsaday ciyaartan Arbacadii ee rubuc dhamaadka French League Cup oo ay 2-0 ku guuleysteen.

Xiddiga reer Brazil ayaa iska bixiyey kabtiisa, kadibna madaxa saartay markii uu ku shubay rigoodhe daqiiqadii 53 aad ee ciyaarta.

Adrien Rabiot ayaa ka dhaliyey goolka guusha, kooxda Amiens oo 10 ciyaaryahan ku ciyaaraysay ilaa daqiiqadii 34 aad ee qaybtii hore, markaas oo kaadhka casaanka ah laga siiyey goolwade-hooda Regis Gurtner, kadib markii uu xanaaqadeeyey ciyaaryahan Kylian Mbappe.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook