Philippe Coutinho oo siwayn loogu soo dhaweeyey Barcelona +SAWIRRO

Weeraryahanka kooxda kubada Cagta Barcelona ee Luis Suarez ayaa si gooni ah u soo dhaweeyey Cayaaryahanka dalka Braziil ee Philippe Coutinho kaas oo dhawaan sirasmi ah ugu biirey Naadiga dalka Spain.

Luis Suarez ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay ku soo biiritaanka kooxda Barcelona Cayaaryahankii ay mar u wada Cayaari jireen Liverpool ee Philippe Coutinho kaas oo uu kutilmaamay in uu yahay mid ka mid ah Xiddigaha Caalamka ugu fiican.

Philippe Coutinho ayaa Barcelona ku iibsatay aduun lacageed gaaraya £145m isaga oo maray Tijaabo Caafimaad oo lagu ogaaday in uu qabo dhaawac uu 3 Todobaad Garoomada kaga maqnaan doono waxaana uu Gaaray Xarunta Cayaartoyda halkaa oo ay ku so dhaweeyeen Cayaartoy ay ka midyihiin Luis Suarez Gerard Pique iyo Paulinho.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook