Waa Kuma Saxiixa Ugu Horreeya Arsenal Kala Soo Wareegeyso Suuqa Kala Iibsiga?

Arsene Wenger ayaa xaqiijiyay in Arsenal ay dhameystireyso saxiixa daafaca reer Greece ee Konstantinos Mavropanos oo u ciyaara kooxda PAS Giannina.
Xidigaan ayaa lagu soo waramayaa inuu £ 1.8million ugu soo biiro doono kooxda uu hogaamiyo tababare Wenger.
Macalinka reer France ayaa u arkaa xiddiga heerka caalami ee dalka Greece Mavropanos mid mustaqbal fiican ku leh kubadda cagta.
“Haatan diyaar uma ahan inuu ciyaaro,” Wenger ayaa sidaasi yiri markii saxaafada wax ka weydiiyay inuu Mavropanos si dhaqso ah ugu soo biirayo Gunners.
Marka aan dhameystirno heshiiskiisa waxa ku bixi doonaa amaahda ayuu yiri tababaraha Arsenal Arsene Wenger.
Mavropanos ayaa noqon doona saxiixa ugu horeeya Arsenal sameyso inta uu furan yahay suuqa kala iibsiga bishaan Janaayo.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook