Xildhibaan Katirsan Baarlamaanka GalMudug oo Muqdisho ku Geeriyooday

Waxaa Magaalada Muqdisho ee caasimada Dalka Soomaaliya ku geeriyooday Xildhibaan Katirsanaa Baarlamaanka Maamulka GalMudug.

Xildhibaankaan ayaa lagu magacaabi jiray Xildhibaan Cabdikariin Maxamed Cismaan Ciro.

Xildhibaanka ayaa baryihii ugu dambeeyay ku xanuunsanayay Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Xildhibaan Salaad Ceynte oo katirsan Baarlamaanka GalMudug Ayaa Warbaahinta Muqdisho u xaqiijiyay Geerida ku timid Xildhibaan Ciro.

Allaha u naxariistee Xildhibaanka ayaa lagu wadaa in maanta lagu aaso magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook