Xisbiga Wadajjir oo Gudbiyay Dacwad ka dhan ah Fahad Yaasiin & Xeer ilaaliyaha Qaranka+VIDEO

Xisbiga Wadajir ayaa maanta soo bandhigay Magacyada Taliyayaasha iyo Saraakiishii ka danbeysay Weerarka 17-kii December lagu qaaday Xarunta Xisbiga oo ku taala Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir Kamaal Daahir Guutaale oo Saxaafada kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay iney maanta gudbiyeen Dacwad ka dhan ah Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir oo ay ku eedeeyeen inuu fududeeyay Weerarkii lagu soo qabtay Siyaasiga C/raxmaan C/Shakuur Warsame.

Waxa uu sidoo kale Guutaale sheegay iney maanta xareeyeen dacwad ka dhan ah Agaasimaha Madaxtooyada Somaliya Fahad yaasiin Xaaji Daahir oo isna ku eedeysan inuu lahaa abaabulka lagu soo xiray Madaxda Xisbiga Wadajir.

Kamaal Guutaale ayaa ku sheegay magacyada Taliyayaasha iyo Saraakiishii hogaamineysay Weerarka Habeen madoow lagu qaaday Xarunta Xisbiga Wadajir;

C/Qaadir Maxamed Nuur Jaamac Kusimaha Taliyaha Nabad Sugida Somaliya,

Aadan Cumar Xasan Taliyaha Nabad Sugida Gobolka Banaadir,

C/Xakiin Nuur Ciise Sarkaal NISA arimaha Dibeda,

Yaasiin ganeey iyo Faarax Maxamuud Qaaroole oo Saraakiisha NISA Kamid ah.

Kamaal Guutaale ayaa usoo jeediyay in xilalka laga qaado Saraakiisha iyo Masuuliyiinta kale ee soo eedeeyeen inta ay socoto baarista dacwadaha ay ka soo gudbiyeen.

Tirada dadka loo heysto Weerarkii lagu dilay askarta C/raxmaan C/Shakuur Warsame ayey ku sheegeen Sagaal ruux oo isugu jira Masuuliyin iyo Taliyayaasha laamaha amaanka Dowladda.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook