ANTONIO CONTE Oo Lagu Wargeliyay Inuu Isaga Tago Chelsea

ANTONIO CONTE ayaa wajaheya in laga ceyriyo shaqada kooxda Chelsea haddii ay guuldarro kasoo gaarto kooxda Watford habeenka Isniinta ah.

Tababaraha Talyaaniga ayaa qarka u saaran in laga ceyriyo Stamford Bridge dhamaadka xilli ciyaareedkan, inkastoo kaliya uu ku guuleystay horyaalka Premier League sannadkii hore.

Laakiin isku darka natiijooyinka saboolka ah iyo xiriirka xun ee kala dhaxeeya milkiilaha Chelsea Roman Abramovich ayaa ku qasbeysa inuu isaga tago Bules.

Abramovich ayaa cadeeyay inuusan ka cabsaneynin inuu Conte albaabka tuso haddii uusan wax ka bedelin natiijooyinka uu kooxda usoo xareynayo.

Blues ayaa haatan 21 dhibcood ka dambeysa kooxda horyaalka hogaaamineysa Manchester City, waxaana laga yaabaa inay seegaan xilli ciyaareedka soo socda usoo bixista tartanka Champions League.

Waxa ay ku xiran tahay haddii ay doonayaan tartanka Champions League inay booska afaraad kula dagaalamaan kooxaha Manchester United, Liverpool, Arsenal iyo Tottenham.

Conte ayaa lala xiriirinayaa inuu ku laabanayo Talyaaniga isagoo markaan door muhiim ah ka qaadanaya dib u dhiska xulka qaranka Italy.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook