Arsenal Oo Iska Iibineysa Aaron Ramsey Iyo Danny Welbeck

Arsenal ayaa lagu qasbi karaa inay iska iibiso Aaron Ramsey iyo Danny Welbeck haddii ay labada ciyaaryahan u isticmaalaan qandaraaska cusub dalab lamid ah kii Mesut Ozil.

Gunners ayaa dhawaan heshiis cusub oo mushaar qaali ah uu ku qaadanayo ka saxiixday Ozil oo loo badinayay inuu ka tago Gunners dhamaadka xili ciyaareedkaan.

Xiddiga ku guuleystay Koobka Adduunka ayaa Isbuucii £ 350,000 mushaar ahaan kaga qaadan doona kooxdiisa Arsenal.

Dhanka kale saxiixyada cusub ee Pierre-Emerick Aubameyang iyo Henrik Mkhitaryan ayaa loo maleynayaa in mushaar ahaan kooxda kaga qaataan £ 200,000-toddobaadkii.

Saddexda ciyaartooy ee ugu mushaarka badan Arsenal ayaa caqabad ku noqon kara heshiisyada cusub oo ay saxiixayaan Aaron Ramsey iyo Danny Welbeck.

Daily Mail ayaa hoosta ka xariiqday in hadda Arsenal caqabad weyn kala kulmeyso qandaraasyada cusub ee Aaron Ramsey iyo Danny Welbeck.

Ramsey iyo Welbeck ayaa gudo galay 18-kii bilood ee ugu dambeeyay qandaraaskooda Arsenal, waxaana ay haatan wadahadal heshiis cusub ay ku saxiixayaan kula jiraan maamulka Gunners.

Haddii Ramsey iyo Welbeck dalbadaan mushaar sare oo lamid ah kan Ozil, Arsenal ayaa lagu wadaa inay iska iibiso labada ciyaartooy.

Arsene Wenger ayaa la fahamsan yahay inuu si aad ah ugu baahan yahay sii joogista Ramsey, laakiin xiddiga reer Wales ayaa u muuqda mid dalbanaya mushaar ka badan kan haatan uu ka qaato kooxdiisa oo ah 110 kun oo ginni.

Dhinaca kale ciyaaryahankii hore ee Manchester United Welbeck ayaa haatan kujira xaalad xun, isagoo kaliya kusoo bilowday 7 kulan oo Premier League ah.

Arsenal ayaa sidoo kale heshiis la gaartay Jack Wilshere, laakiin xiddiga qadka dhexe ee England weli qalinka kuma duugin qandaraaska cusub.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook