Barcelona Oo Guul Muhiim Ah Ka Gaartey Eibar+SAWIRRO

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa guul ka soo gaartay naadiga Eibar oo ay ku booqatay garoonka Estadio Ipurua kulanka ka tirsan horyaalka La Ligaha Spain.

Naadiga ka dhisan garoonka Camp Nou ayaa 2-0 kuga soo adkaaday Eibar, taasoo u sii adkeystay hoggaanka horyaalka La Liga.

Daqiiqaddii 16’aad ee ciyaarta Luis Suarez ayaa u dhaliyey Barcelona goolka qura ee lagu kala nastay qeybta hore kaddib markii baas dhex bixis ah oo uu ka helay Lionel Messi inta goolhayaha Eibar dhulka uga tagay ka dhaliyey.

Ciyaarta oo soconaysa 1-0 ayey wiilasha Eibar isku dayeen inay iska soo gudaan ugu yaraan goolkaas, waxaana kubbad halisteeda leh birta u garaacay Barcelona Fabian Orellana.

Kooxda Barcelona ayaa ku dhawaatay inay qeybta hore ee ciyaarta hoggaanka ku qabato 2-0 kaddib markii Luis Suarez baas uu ka helay Messi goolhayaha dhaafay haddana dib ugu soo celiyey Messi, balse xiddiga reer Argentina ayaa birta ku dhuftay kubaddaas, kulanka ayaana lagu kala nastay Barcelona oo 1-0 ku hoggaaminaysay Eibar.

Qeybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay kooxda Eibar ayaa laga qaatay kaarka cas, waxaana 66’daqiiqo kaarka guduudan loo taagay Fabian Orellana, markii uu guddoomay kaarkiisa labaad ee Jaallaha ah.

Dhammaadkii ciyaarta 89’daqiiqo Barcelona ayaa la timid goolka labaad waxaana u dhaliyey Jordi Alba, kaddib markii uu ka faa’iideystay kubbad uu goolahaya Eibar ka baloogay Messi, kulanka ayaana ku soo dhammaaday 2-0 ay ku adkaatay Barcelona.

Kooxda Barcelona ayaa haatan hoggaanka horyaalka La Ligaha Spain ku haysa 62-dhibcood, iyadoo kooxda ku jirta kaalinta labaad ee Atletico Madrid oo kulan u harsan yahay ay leedahay 52-dhibcood.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook