C/raxmaan C/shakuur “Madaxweyne adiga lagu doortay ee qof aan la dooran awoodaada haku wareejin”+VIDEO

C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka mid ah Siyaasiyiinta Mucaaradka, kana tirsan Xisbiga Wadajir ayaa sheegay in Madaxtooyada Soomaaliya ay maamulaan shaqsiyaad kale, isagoo ugu baaqay Madaxweynaha in aanu awoodiisa ku wareejin dad aan la dooran.

Wareysi uu siiyaya Telefishinka Universal ayaa waxaa uu kaga hadlay arrimo kala duwan oo ka mid ah weerarkii lagu qaaday hoygiisa iyo xaaladihii siyaasadeed ee dowladda ay gashay sanadkeedii u horeeyay.

C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in Hey’adda NISA loo adeegsado arrimo siyaasadeed, iyadoo lagu weeraro siyaasiyiinta, waxaa uu sidoo kale sheegay in lagu xadgudbay xuquuqda dastuurka u siinayo muwaadinka, sida in la joojiyay isu imaatinta bulshada iyo siyaasiyiinta.

Mar la weydiiyay caqabadaha uu wajahayo iyo hadii mar kale uu ka cabsi qabo in la soo weeraro ayuu ku jawaabay in mar walba ay qatartaas jirto, sidoo kale waxaa uu xusay inuu helay warbixin ku aadan in dowlado shisheeye iyo xubno ka tirsan dowladda ay rabaan inay Shabaab u soo adeegsadaan in la khaarijiyo.

“Waxa ka shakisanahay dowladda kaliya ma ahan in la soo isticmaalay ee Shabaab ayaa la soo adeegsanayaa, weerar aniga iga dhan ah oo dhanka Shabaab ka imaanaya, waliba ay dad ka mid ah dowladda iyo dowlado shisheeye ay maleegayaan ayaa warbixin igu soo gaartay”ayuu yiri.

Mar la weydiiyay su’aal aheyd hadii uu la kulmo Madaxweyne Farmaajo, waxa uu dhihi lahaa ayuu ku jawaabay inuu talo siin lahaa oo ah in Mas’uuliyadda uu qaato, maadaama isaga la doortay, isla markaana uusan ka dhuuman.

“Talo ayaan siin lahaa, Madaxweyne adiga ayaa lagu doortay Mas’uuliyadaada qaado, wax kasta dalkaan ka dhacay ama xaalado siyaasadeed waa ka aamustay, caqabadaha dhabta ah ee Qaran ahaan noo heysto asiga ka Madaxweyne ahaan laga rabaa inuu dadka u sheego oo uu dadka hor-yimaado, Madaxweynaha wuxuu noo sheegay in Shabaab labo sano dalka looga saarayo, hadana wuxuu dhahay lagama adkaan karo, wadamadaha colaadaha ka soo baxaya waxaa lagu yaqaanaa Hoggaamiyeyaashooda dadka runta ayay u sheegaan”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

“Soomaali waa ogtahay dadka aan la dooran ee saameynta leh oo awooda ku heysta Madaxtooyada ee Wasiirada kala bedelaya, taliyeyaasha ciidamada bedelaya, Madaxweyne adiga ayaa lagu doortay dadka aan la dooran awoodaada haku wareejin”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook