Cabdullaahi Ciilmooge oo hogaaminaya olole loogaga soo horjeedo Axmed Madoobe +VIDEO

Beesha Kuumade Kablalax ayaa maanta kulan ay ku yeelatay magaalada Muqdisho ku sheegtay in maamulka Jubaland ee uu hurmuudka Axmed Madoobe uu ku fashlimay hawlihii loo igmaday.

Kulankaan oo ay kasoo qayb galeen waxgarad, siyaasiyiin, odayaal, culamaa’uddiin, xildhibaano hore, haween, dhalinyaro ayaa waxaa dhamaantood ay cabasho weyn ka muujiyeen maamulka sare ee Jubbaland.

Waxaa siyaasiyiintii kulankaan ka qayb galay ka mid ahaa wasiirkii hore ee wasaaradda warfaafinta & isgaarsiinta ee dawladda fedaraalka Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi, isla markaana ah guddoomiyaha xisbiga Xiis.

Waxgaradkii ka qayb galay kulankaan waxay sheegeen in 6-dii sano ee uu jiray maamulka Jubbaland aanay haba yaraatee jirin wax hagaagay inay wax badan halaabeen mooyee.

Waxaa kulankaan laga sheegay arrin aad u yaab badan oo ah in dadkii u dhashay Jubbaland laga tarxiilo deegaankooda, taasoo ay ku tilmaameen mid qarracan ku abuurtay oo aanay marnaba aqbali karin.

Ma ahayn wax qoraal lagu wada xusi karo waxyaabihii kulankaan looga hadlay, hase yeeshee Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi oo ugu dambayn kulankaan soo xiray ayaa halkaas ka jeediyay hadal kooban oo ku wajahan dhibaatooyinka waawayn ee ka jira deegaanada jubbaland iyo waxqabad la’aanta 6-dii sano ee uu jiray maamulka Jubbaland.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

One thought on “Cabdullaahi Ciilmooge oo hogaaminaya olole loogaga soo horjeedo Axmed Madoobe +VIDEO”

  1. origino says:

    Cilmooge waxaad ku dhalatay gaal kacyo xamarna waad ku kortay dowladdi horena wasiir ayaad ka noqotay wax jubbaland aad ku darsatay ma jiraan degaanka umaad dhalan jubbaland 4.5 wax kuma qeebsano m,ark fidno uma baahnin madaxweyne axmed i9ntuu qabtay waan ku qanacsanahay tii xamar ee wasiirka aad ka ahayd 20 sano ku dhawaad ayaa dowlad ka jirtay ila hadana xamar w3ay isu furmi laadahay lix sano waa wax yar axmed waxaan siinaynaa 20 kii sano ee dowladda federaalka ay wax ku qaban weyday markaasnu qiimeyn doonaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Facebook