DAAWO:-Ciidamada S/land oo mudo 30-daqiiqo ah gacanta ugu soo digay Nin Toorey ku dilay Nin kale

Taliska Booliska Maamulka Soomaaliland ayaa faah faahin ka bixiyay dil Xaafada Siinay oo ka mid ah Magaalada hargeysa loogu geystay qof Shacab ah iyo howlgal ay sameeyeen.

Dilkan ayaa waxaa loo adeegsaday tooreey,waxaana la sheegay in mid ka mid ah dadka Xamaalatada ah ee ku dhaqan Hargeysa uu nin kale oo isna Xamaalatada ka mid ahaa uu tooreyda la dhacay sidaasna uu ku geeriyooday.

Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliland Feysal Xiis oo Shir Jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay Hargeysa ayaa sheegay in howlgal ay sameeyeen ay mudo 30 Daqiiqo Gudahood ah ku soo qabteen Ninkii Gacan ku dhiiglaha ahaa ee geystay falkaas.

Afhayeenku ma uusan sheegin waxa keenay khilaafka sababay in labada Nin ee Xamaalatada ahaa mid ka mid ah toorey lagu dilo,laakin uu cadeeyay in ay ciidamadu qabteen ninkii dilka geystay.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in haatan lagu xiray Saldhigga Dhexe ee Magaalada Hargeysa dhawaana Maxkamad lasoo taagi doono.

 

.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook