DAAWO:-Dowlada Qader Oo Dhiseysa Wadada Isku Xirta Muqdisho Iyo Jowhar

Dowlada Qader ayaa bilaabeyso wadooyin laami ah oo isku xira Magaalada Muqdisho Afgooyr, Muqdisho iyo jowhar oo ay horay ugu wada heshiyen labada dowladood waxana la filaya in dhawaan uu bilowdo.

Geesta kale Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa la kulmay Sii Hayaha Safiirka Qatar Xasan Xamza iyo Mas’uuliyiin ka kala socday Hey’adda Jidadka Qatar iyo Hey’adda lagu wado inay dhowaan bilowdo dhismaha Wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar.

Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo horay u saxiixay dowladda Soomaaliya heshiiskii mashaariicda ay Qatar ka fulineyso Soomaaliya.

Madaxweyne Waare ayaa ka mahadceliyay taageerada dowladda Qatar ee Soomaaliya, gaar ahaan mashruuca dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar waxaa uu ka codsaday Mas’uuliyiinta Qatar inay dardar geliyaan dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar.

Mas’uuliyiinta ka socday Qatar ayaa sheegay inay ka go’an tahay sidii loo fulin lahaa mashaariicda dhismaha waddooyinka, sida wadada isku xirta Jowhar iyo Muqdisho oo dhowaan la bilaabi doono iyo mashaariic kale.

Illaa 200 milyan oo dollar ayaa ku baxaya mashaariicda ay ka Qatar ka fulineyso Soomaaliya, sida wadada isku xirta Muqdisho-Afgooye iyo Muqdisho-Jowhar, xarumo loo dhisayo dowladda iyo mashaariic kale oo horumarineed.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook