DHAGEYSO Shirka Golaha Amniga Galmudug oo ka furmay Dhuusamareeb+ SAWIRRO

Shirka Golaha amniga ee Maamul goboleedka Galmudug ayaa maanta ka furmey magaalada dhuusamareeb ee Caasimadda maamulkaasi kaasoo socon doona mudo 3 cisho ah.

Waxaa ka qeyb galaya Shirkaan Guddiga Amniga maamulka Galmudug oo isugu jira , Wasiiro, Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin kale

Shirkaan ayaa waxaa furay Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, waxaana uu sheegay inta uu shirkaan socdo in diiradda lagu saari doono sidii loo adkeyn lahaa Xaaladda Ammaanka ee degaanada maamulka Galmudug.

Madaxa Xukuumadda Galmudug ayaa sidoo kale tilmaamay in la falanqeyn doono sidii Al-Shabaab looga saari lahaa degaanada ay kaga sugan yihiin gobolada Mudug iyo Galgaduud.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook