DAAWO Doorashada Madaxweynaha Koofurgalbeed oo laqaban doono 17ka November 2018-ka

Kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Baydhabo oo ah xarunta kumeelgaarka ah ee dowlad goboleedka Koofurgalbeed Xildhibaanada Baarlamaanka Koofurgalbeed ayaa isku raacay inay dhacdo doorashada Madaxweynaha Koofurgalbeed 17ka November ee sanadkan 2018-ka.

Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aaadan oo maanta dib ugu laabtay magaalada Baydhabo.

Xildhibaanada ayaa arrintan ku meel mariyay qaab gacan tag ah, 110 xildhibaan ayaa ogolaatay in doorashada November ay Madaxweynaha doortaan xildhibaanada Baarlamaanka, halka Saddex xildhibaan oo kaliya ay diiday.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koofurgalbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa hore waxaa u soo doortay Ergo iyo Oday Dhaqameed, waana Madaxweynaha kaliya ee dowlad goboleedyada oo aysan soo dooran xildhibaanada Baarlamaanka.

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook