Ethiopia xaggee ku danbayn doontaa?

Dhaqdhaqaaqa dibadbaxyada ka socda Ethiopia waa mid ka mid ah khilaafyada ugu saamaynta badan qaaradda waxa uuna [dhaqdhaqaaqaasi] awood u leeyahay in uu wax ka beddelo siyaasadda Maraykanka ee Geeska Africa. Waxa uu sidoo kale carqaladayn karaa dedaallada argagaxiso-la-dirirka ee ka socda Soomaaliya iyo yaraynta tirada ciidamada nabad-ilaalinta u jooga Koonfurta Suudaan. Waxase la yaab leh, dhaqdhaqaaqan laguma soo hadal qaado falanqaynaha siyaasadeed ee Washington ama warbaahinta Maraykanka.

Dadweynaha Oromada ee Ethiopia waxa ay maanta u dabbaldegayaan guul aan hore loogu arag taariikhda Africa. Iyada oo aanay dhicin gacan-ka-hadal iyo dhiig-daadasho badan, iyo iyada oo ku dhawaad dhammaan hoggaamiyayaashii muddaharaadayaasha Oromadu ay xabsi ku jiraan, dibadbaxayaashu waxa ay ku guuleysteen in ay ku khasbaan mid kamid ah xukuumadaha ugu awoodda badan Africa in ay oggolaato dalabaadkooda. Markii shaqajoojin iyo muddaharaad abaabulan oo ay ka qaybgelayaan tobanaan kun oo ka mid ah dhallinyarada Oromada ay u soo dhawaadeen magaallo madaxda Addis Ababa, dawladda Ethiopia waxa ay aqbashay in soo dayso koox muhiim ah oo maxaabiis siyaasadeed ah, uuna ku jiro Bekele Gerba, oo ah dhaqdhaqaaqe xooggan oo ay siideyntiisa dawladdu si adag uga meermeertay. Toddobaad ka hor, Bekele waxa lagu xukumay sannad iyo bar dheeraad ah oo xarig ah ka dib markii uu qaaddigii xukumayey ka hor qaaday hees dibadbaxeed.

Siideynta Bekele awgeed, dibadbaxyadii Oromada waa la hakiyey, kumanaankii waddooyinka buuxeyna dareen farxadeed baa saaqay. Dabadeed, 14-kii February, dawladdu waxa ay haddana kaga farxisay dibadbaxayaashii ka dib markay sii deysey mucaarad kale oo xagjir ah (oo uu ku jiro Eskindir Nega oo ah qoraa, hoggaamiyihii mucaaradka Andualem Aragie, guddoomiyihii hore ee Gambella Okello Akway, iyo u-dhaqdhaqaaqaha Muslimka ah ee xorriyadda diinta Ahmedin Jebel), waxana ku jira rag lagu xukumay eedaymo la xiriira argagaxisnimo.

Raysalwasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalagn ayaa horraantii January ballanqaaday siideynta tiro badan oo maxaabiis siyaasadeed ah, mar danbena waxa uu sii daayey tiro kamid ah qolyaha u dhaqdhaqaaqa siyaasadda, oo uu ku jiro hoggaamiyaha mucaaradka Merera Gudina. Masuuliyiinta dawladdu waxay wakhtigaas sheegeen in tallaabadan looga gonleeyahay ballaadhinta baaxadda siyaasadda iyo in la dardargeliyo wadahadal lala yeesho mucaaradadda siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaqa dibadbaxyada qowmiyadnimda ku salaysan. Laakiin badi dibadbaxayaasha iyo kuwa ka shakisan dawladdu waxa ay tallaabadan u akreen mid aan sii ridneyn oo laga yaabo in loogu talagalay iska hor-keenidda mucaaradka, maaddaama oo dadka qaarna la sii daayey, qaar kale oo ay ku jiraan kuwa ugu saamaynta badan mucaaradkuna ay weli ku jiraan xabsiyada.

Ka dib dhacdooyinka February 13 iyo 14, waa ay adag tahay in laga shakiyo daacadnimada dawladda ee arrintan. Sida muuqata, dibadbaxyadu waxa ay halis ku noqdeen dawladda, baahida loo qabo karaar-jebinta dibabadbaxyaduna waxa ay noqotay mid cad. Waxa kale oo muhiim noqotay in laga gudbo kala-duwanaanshaha feker ee u dhexeeya kuwa loogu yeero “qunyarsocodka” iyo kuwa “mayal-ka-dag” ee ka tirsan garabka Tigreega (TPLF), oo ah kan ugu awoodda badan gudaha xisbiga talada dalka haya.

Werwerka haysta TPLF waa mid laga garaabi karo, weydiinta keliya ee meesha taalla se waa in tanaasulka [TPLF] u sameeyey dibadbaxayasha uu yahay mid aad u yar oo lala soo habsaamay. Carada ka dhalatay maquuninta dhaqaale iyo siyaasadeed ee Tigreega ayaa dabada ka riixaysa dibadbaxyada, halista ah in xasuuq loo geysto qowmiyadda Tigreega uu dhacana waa mid isa soo taraysa. Muwaadiniin Tigree ah oo cabsanaya aya la sheegayaa inay iyaga oo tiro badan ka guureen gobollada Amxaarada iyo Oromadu waddanka ka degto. Sidoo kale, iska hor-imaadyo gacan-ka-hadal oo u dhexeeya qowmiyadaha kale, gaar ahaan Oromada iyo Soomaalida ayaa si xawli ah u kordhay. Xaaladdu waa ay kacsan tahay, dibadbaxyaduna waxa ay la ashqaraarsan yihiin farxad, mucaaradka hadda la soo daayeyna waxa laga yaabaa inay mucaaraddada sii wadaan. Sidaasi darteed, ma jirtaa suurtagalnimo ay dibadbaxyadu ku yaraan karaan?

Waxay u eeg tahay inaan suurtagalnimadaasi jirin, walow ay hubanti tahay rajada uu TPLF ka qabo in Bekele Gerba, Ahmedin, Jebel, Eskindir Nega iyo asxaabtoodu ay u garaabi doonaan wadahadallada soo socda. Nimankani, hore uma aysan ahayn xagjir waxa ayna aad uga soo horjeedeen gacan-ka-hadalka, halka mucaaradka caanka ka ah raadiyaha iyo warbaahinta oo ay badankoodu qurbaha jiraan ay caan ku noqdeen maqnaanshahooda, haddana ay majaraha u hayaan mucaaradka.

Shacabka reer Ethiopia ma aqbali doonaan dibuhabaynno aan dhammaystirnayn, daacadna laga ahayn maaddaama oo ay guullo ka gaareen dibadbaxyada. Tusaale ahaan, waxa la isla dhexmarayaa in Raysalwasaare Hailemariam lagu beddeli doono qof ka soo jeeda qowmiyadda Oromada. (Lema Megersa oo ah Madaxweynaha Dawlad-goboolleedka Oromada ayaa loo badinayaa in uu noqdo qofka beddeli doona RW hadda). Arrintani waa uun kutirikuteen, haddii se ay run noqon weydo waxa laga yaabaa inay keento dibadbaxyo kale oo hor leh. Muwaadiniin kale oo gacanta ciidamada Ethiopia ku dhinta ama bandow kale oo ay dawladdu waddanka ku soo rogto, waxa ay keeni doonaan isla natiijadii hore. Wakhtiga soo socdana, tanaasulaadka ay samayso dawladda Ethiopia ma noqon doonaan kuwo ku filan inay joojiyaan dibadbaxyada. Haddii wadahadalladu fashilmaan, ciidamadana awoodda laga qaado, dagaalka halkaas ka dhalan doona waxa uu noqon doonaa mid fool xun oo uu dhiig badani ku daato, taasina ma istaajin doonto kacdoonka socda.

Saamayn sidee ah ayay tani ku yeelan kartaa siyaasadda Maraykanka?

Washington, dabcan, waxay haysataa wax kasta oo ku dhiirriggelinaya in ay ka baaqsato sinaariyo caynkaa ah.

Maraykanku wax badan ayuu ku qabaa Ethiopia, oo ciidankeeda iyo iskaashigeedu ay muhiim u yihiin dedaallada Washington ugu jirto xasilinta Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan. Istaraatajiyadda Maraykanka ee Geeska Afrika ku wajahan si daran ayay u sinbiriraxootay, waxaana ay muujisay in ay ku fashilantay gaarista hadafyadeedii (marba haddii xaaladda labada dal [Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan] ay weli ka sii darayso). Laakiin siyaasad taa beddesha ayaan miiska saarnayn, kartida Ethiopia u leedahay taageeridda siyaasadaha Maraykanka ee Afrika khuseeya oo meesha ka baxdaana waa musiibo. Hawlgalka Midawga Afrika ee Soomaaliya, oo aanay waxba uga danbayn, sida la qiyaasi karo ka ma samatabixi karo xoogagga Ethiopia oo si lamafilaan ah oo aan kalahar lahayn u baxa—nolosha rayid aad u badan ayaana Koonfurta Suudaan halis ku geli doona. Ethiopia khalkhashaa waxay dabcan u nuglaanaysaa daandaansiga kooxda argagaxisada Soomaalida ee al-Qaacida xiriirka la leh, al-Shabaab, oo iyadu mar horaba cagta la heshay gudaha Kenya, oo ay ka jiraan xaalado bulsho oo kuwan shaabbaha (dhallinyaro aan shaqayn oo badan, dadyaw Muslimiin ah oo la hagraday lana yaraystay, iyo cadaawad boolis oo arxan daran).

Nasiibxumo, dalal kooban ayaa Maraykanka uga faradhuudhuuban in ay kaalin togan ka qaataan mustaqbalka Ethiopia. Tani waxay ka imanaysaa taariikhda dheer ee Washington ku leedahay siinta taageero miisaaniyadeed xisbiga talada Ethiopia haya, iskaashiga dhaw ee u dhexeeyay militeriga iyo sirdoonka labada dal, iyo ka-warwareegidda soo jiitantay ee mas’uuliyiinta Maraykanku ka gaws adaygayeen in ay dhaliilaan diiwaanka xuquuqda aadanaha ee taliska ama in ay is hortaagaan xarigga kumanaan rayid ah.

In Washington ka aamusnaato xuquuqda aadanaha iyo xaaladda amni ee Ethiopia ku xumaanayaa waxay ka dhalatay dhawr qodob. Ta u horraysa uguna doorroon, dabcan, waa in Ethiopia ay noqotay wehelka aan la loodin karin ee “dagaalka ka dhanka ah argagaxisada” tan iyo 2000-nadii. Mar labaadka, ra’iisal wasaarihii hore iyo naqshadeeyihii xisbiga talada haya, Meles Zenawi, wuxuu saaxiibtinnimo shakhsi ah la abuurtay siyaasad-sameeyayaal sarsare oo Maraykan ah, kuwaas oo dabadeed taliska halyey ka dhigay kana difaacay dhaliisha guud. Mar saddexaadka, sida Rwandaba ka jirta, siyaasad-sameeyayaasha Galbeedku Ethiopia waxay ku socodsiiyeen “Tusaale Afrikaan oo Guulaystay” iyaga oo taa u maray u-fududaynta deeq aan kalago’ lahayn iyo maalgashiga qaaradda; in tooshka lagu qabto qisooyinka xuquuqda aadanuhuna wuxuu ahaa mid aan habboonayn. Mar afraadka—oo aan ahayn ka ugu muhiimadda yar—diblomaasiyiinta Maraykanku waxay u arkeen in dhaleecaynta maxfalka ah ee taliska Ethiopia lala beegsadaa aanay waxba soo kordhinayn: sannooyinkan waxay dhaleecayntaasi sababtay in weriyayaal badan, diblomaasiyiin, iyo ururro aan xukuumi ahayn oo Maraykanka laga leeyahay laga soo cayriyo Ethiopia, wax hagaag ahna ku ma ay biirin dhaqanka taliska. Awoodda ay Ethiopia u leedahay gelidda Midawga Afrika (maaddaama xarunta Midaawga Afrika ay ku taallo Addis Ababa) waxay falanqeeyayaal iyo weriyayaal sumcad leh ku kelliftay in ay iyagu isfaafreebaan.

Ethiopia waxay sida oo kale muujisay in ay ka go’an tahay in ay ka jawaabceliso cadaadiska dibloomasiyadeed iyada oo la-hayste ka dhigatay danaha amni ee Maraykanka: bishii September 2017, tusaale ahaan, markii Aqalka Guddihoosaadka Arrimaha Afriki isku deyay in uu ansixiyo bayaan tooshka ku ifinaya gaboodfallada xuquuqda aadanaha ee Ethiopia, safiirkii xilligaa Ethiopia u joogay Maraykanku, Girma Birru, wuxuu booqday xubnaha Guddihoosaadkaa, wuxuuna ugu hanjabay in ay ka laaban doonaan wadashaqayntooda argagaxisa-la-dirirka ee Soomaaliya. Markii ay hanjabaaddani soo fool saartay, Guddihoosaadkii durbadiiba way ka noqdeen bayaankii. (Guddihoosaadku waxay shalay ku hanjabeen in ay bayaankii soo celin doonaan si loogu codeeyo February 28, haddii aanay xukuumadda Ethiopia u oggolaan kooxda baarista ee Qaramada Midoobay in ay dalka soo galaan.)

Codadka loogu kalsooni badan yahay dhaqdhaqaaqa dibadbaxyadu waxay mar horaba dhaliileen ficil la’aanta Maraykanka, iyo in aanay la qaadanayn wadahadalka mas’uuliyiinta Maraykanka—xaqiiqatan, waxay ku doodeen in haddii ay la xiraan Washington, ay taasi dhaawici doonto kalsoonida lagu qabo, waana ay saxan yihiin. Washington dabcan way awooddaa in ay isku daydo in ay xisbiga TPLF ku qanciso in uu sameeyo isbeddello micno leh oo lagu kalsoonaan karo—laakiin dib-u-eegista ay Washington ku samaynayso taariikhda diblomaasiyadeed ee ay la leedahay Addis waxay muujinaysaa in dedaallada caynkaas ahi aanay wax miro ah dhalin doonin. Sida oo kale ma cadda nooca isbeddel ee dadweynaha raalliggelinaya: in kasta oo ay jiraan baaqyo ku aaddan in xoogagga amni ee Ethiopia ay faraha kala baxdo Oromada, Amxaarada iyo gobollada kale (sida Soomaalida, ama aagga “Ogaadeen”), haddana cidna ma soo hadalqaadayso doorashooyin daray ah (kuwaas oo taariikh ahaan la fadhataysan jiray) ama halbeegyo dimuqraaddiyadeed oo kale si dib loogu hanto nabadda.

Bilaha, iyo maalmaha, soo socdaa waa kuwa go’aan keeni doona. Taliska Ethiopia labo ayay soo kala geli: in ay ku sii dheganaato mawqifkeedan oo ay fidiso kago’naanteeda uu ka go’an yahay isbeddelku, kago’naantaasna waxa muujin kara iyada oo ra’iisal wasaaraha laga dhigo hoggaamiye Oromo ah. Ama waxay labalaabi doonta mawqifkeedii hore, oo waxay ku dhawaaqi doontaa xaalad degdeg ah, laakiin tani waxay noqon doontaa go’aan dhimasho ah, maaddaama xaalad degdeg ah oo cusub ay mucaaradka iyo dibadbaxyayaashu u arki doonaan iclaamin dagaal.

Rejada keli ah ee nabadda Ethiopia waa tanaasulaad degdeg ah oo daacad ah, oo ay la yimaaddaan haldoorka TPLF, taas oo ay tahay in ay noqoto dibuqaybin micno leh oo dib loo qaybiyo awoodda dhaqaale iyo siyaasadeed. Shacabka Ethiopia wuu tijaabiyay awooddiisa, si ama si kalana u ma sii jiri doonto taagantu (status quo).

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook