Fanaanada Rihanna Oo Emirates Kula Dabaal Dagtay Mesut Ozil & Xiddigaha Arsenal+SAWIRRO

Fanaanada caanka ah ee Rihanna ayaa mar kale sawir kala soo muuqatay laacibka Mesut Ozil kulankii Arsenal guusha ay gaartay Everton habeenkii xalay.

Rihanna ayaa daawatay markii labaad kulan Ozil ku raaaxeysanayo kadib finalkii Koobka Adduunka ee u dhaxeeyay xulalka Jarmalka iyo Argentina, markaaso xulka Grammy oo uu hogaaminayay Ozil ay ku guuleysteen koobka.

Cayaaryahan Ozil waxa uu ahaa mid dhoola cadeynaya sida sawirrada ka muuqday, waxaana sidookale lasoo muuqday fanaanada Rihanna ciyaartooyda kale ee Laurent Koscielny, Sead Kolasinac iyo Shkodran Mustafi.

Xiddigii hore ee Real Madrid Ozil ayaa Twitter-kiisa kusoo qoray inaysan marnaba ku dhicin guuldaro marka ay timaado garoon uu ku ciyaarao fanaanada uu taageero ee Rihanna.

Laakiin niyadjabkii Rihanna ayaa ah in Ozil uu ku guuldareystay inuu shabaqa soo taabto, iyadoo kooxda Waqooyiga London ka dhisan ay xasuuqday kooxda uu hogaamiyo tababare Sam Allardyce.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook