Ganacsatada G/Banaadir oo taageeray go’aankii Guddiyada Baarlamaanka ku diideen Canshuurta Iibka

Ganacstada Gobolka Banaadir oo maalmahaan ka cabanayey Canshuurta Iibka ee ay soo rogtey Wasaaradda Maaliyadda ee Dowlada Federalka ayaa soo dhoweeyay go’aankii ay Guddiyada Maaliyadda iyo Ganacsiga ay sharci darro kaga dhigeen canshuurtaas cusub.

Shir jaraa’id oo ay ganacsatada ku qabteen magaalada Muqdisho ayay waxay ka soo saareen qodobo dhowr ah.

Ganacsatada ayaa ugu baaqay ganacsatada inay u hoggaansanaato go’aanka Guddiyada Maaliyadda iyo Ganacsiga soo saareen.

Go’aanada ay soo saareen waxaa ka mid ah:-

1- Ganacsatada Gobolka Banaadir waxay taageertey Go’aanka Gudiga Maaliyada iyo Gudiga Ganacsiga ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed

2- Ganacsatada waxay ka Codsanayaan Wasaarada Maaliyadda ee Dowlada Federaalka in ay u Hagaansato Hab raaca u yaalaha Canshuurah Dalka

3- Ganacstada waxay ogoshahay Canshuuraadka Dhoofinta iyo Soo dejinta waxaana Sharci daro ah Canshuurta Iibinta oo ee Boqolkiiba Shan 5% in lagu qaado Dekeda laguna koobay Ganacsatada Gobolka Banaadir oo Keliya

4-Ganacsatada Gobolka Banaadir waa Canshuur bixiyayaasha Keliya ee Canshuurta siiya Dowlada Federaalka

5-Waxaa ka Xunahay wararka ay faafiyeen qaar ka mid ah Warbaahinta oo sheegay in ay isfahmeen Wasaarada Maaliyada Iyo Ganacsatada Gobolka Banaadir.

 

Ahmed Roble
wardoon.net@gmail.com

Fadlan Ra‘yigaaga kadhiibo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Facebook